Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaKooxda RSF oo Kun Ruux ku Dilay Gobolka Aljaziira ee Dalka Suudaan.

Kooxda RSF oo Kun Ruux ku Dilay Gobolka Aljaziira ee Dalka Suudaan.

Malleeshiyaadkan oo  lagu magacaabo AD-Dacmo AS-Sariic islamarkaana ay taageerto xukuumadda Abu Dubai, ayaa in ka badan Sanad Suudaan kula dagaallamaya ciidamada dalkaasi.

Marka laga soo tago dagaalladaasi udhaxeeya iyaga iyo ciidanka Suudaan waxay mar waliba gumaad ku hayaan shacabka ku dhaqan dalkaasi.

Gobollada ugu daran ee xasuuq wuxuushnimo kawadaan waxaa kamid ah gobolka Al-Jaziira ee dhaca bartamaha Suudaan, tan iyo laga soo billaabo bishii Oktober ee sanadkii tegay.

Magaalooyin dhowr ah iyo tuulooyin badan oo dhaca gobolkan ay malleeshiyaadkan boqolaal Ruux ku xasuuqeen, wali madhamaan gumaadka ay kawadaan halkaasi.

Mu’tamar Al-Jaziira oo ah ay hay’ad la sameeyay  kadib tegitaankii kooxda RSF, islamarkaana si gaar ah looga helo wararka ku saabsan gobolka, ayaa tiro koob ay soo gudbisay ku sheegeysa, in malleeshiyaadkan ay magaalada Al-Hilaaliyaha ee katirsan Al-Jaziira oo iyaga go’doon ugu jirta illaa iyo haatan ku dileen, dad gaaray 359 ruux oo marba marka ka dambeysa sii kordheysa, magaalada Tambuul-na ay ku laayeen 300 ruux, halka AS-Sureyxa ay ku dileen 140 qof.

Sido kale 57 ruux ayey ku dileen tuulo kaliya oo ku taal gobolkaasi, halka magaalada Rafaaca ay ku gumaadeen 28 qof, oo ay sii dheer tahay tobanaan kale oo ay ku laayeen tuulooyin badan oo dhaca gobolkaasi.

Dadja ay dileen malleeshiyaadka RSF labo si umbeey naftu uga baxeysay, mar waxay sababsanayeen rasaastooda, mar kalena go’doonka ay saareen iyo arrimo la xiriira.

Waxaa intaasi sii dheer dad badan ay ka barakacsheen boqolaal tuulo, kuwaasoo ay ka baabi’iyeen guryahooda, wixii ay ka dhici kareen horay uga sii qaateen.

Tirada lagu eedeeynayo iney RSF ku laayeen gobolka Al-Jaziira ee dalkaasi waa 1237 Ruux

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments