Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaMaraykanka oo Duqeeyay Saldhigyo ku Yaala Dalka Suuriya.

Maraykanka oo Duqeeyay Saldhigyo ku Yaala Dalka Suuriya.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa maanta oo Talaado ah war uu soo saaray ku sheegay, in ciidankooda wadanka Suuriya ka fuliyeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen, saldigyo ay leeyihiin kooxo ganacsaar la leh Iiraan.

Duqeymahan ayuu Talisku xusay iney kaga jawaabayeen, weeraro lagu soo qaaday ciidamadooda ku sugan Suuriya 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasoo uu sheegay iney ka dambeeyeen, kooxo ay taageerto xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

Taliska ayaa intaasi ku daray, in bartimaameedyada ay beegsadeen gaarayaan illaa 9 bartilmaameed, kuwaasoo dhamaantood ay sheegeen iney leeyihiin kooxaha aan soo sheegnay.

Ma ahan markii ugu horreysay ooay ciidanka Mareykanka ee ku sugan mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe la kulmaan weeraro uga yimid kooxahan, waxayna marar badan fuliyeen duqeymo  noocaan oo ay kaga jawaabayaan weeraro lagu soo qaaday.

Dowladda Mareykanka ayaa boqolaal kamid ah ciidamadeeda waxay ku sugan yihiin dalka Suuriya, waxayna halkaasi ka fuliyeen danaha Washington.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments