Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaWasiirada Iska Casilay Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo Soo Badanaya.

Wasiirada Iska Casilay Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo Soo Badanaya.

Mas’uulkii 3-aad ayaa iska casilay Dowladda Fedaraalka muddo maalmo guhadood ah, tani oo qeyb ka ah khilaafka ka dhex taagan maamul goboleedyada iyo Xasan Sheekh.

Saddaam Maxamuud Cabdi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.

Masuulkaan oo ah kii 3-aad oo muddo maalmo guhadiid ah is casilo ayaa waxaa tallaabada uu qaaday ay salka ku heysaa, khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo maamulka la baxay Jubaland.

Waxa uu dowladdii uu katirsanaa ku eedeeyay iney baalmartay dastuurka ay dajisteen, siyaasadeysay mashaariicda Puntland, kunna tumatay nidaamka fedaraaliga ah, colaadna ay ka dhex abuureyso deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments