Sunday, November 17, 2024
HomeWarka Gudaha200 Ruux oo Siyaabooyin kala Duwan ugu Nafwaayay Suudaan.

200 Ruux oo Siyaabooyin kala Duwan ugu Nafwaayay Suudaan.

Ururuka caafimaadka ee dalka Suudaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay, in dad gaaraya 200 oo qof ay ku ruux baxeen magaalada Al-Hilaaliyah ee dhacda Bariga gobolka Al-Jaziira ee bartamaha wadanka Suudaan.

Dadka ku le’day halkaasi ayaa waayitaanka naftooda la sheegayaa iney sabab u tahay dhowr arrimhood oo kala ah:

Baahi, somoow iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay ugeysteen kooxda arxanka daran ee RSF, oo gumaad wuxuushnimo ah kawadda dalkaasi.

Magaaladdan ayaa go’doon ku jirta muddo dhowr iyo toban maalmood ah, waxaana go’doonkaasi ka dhashay dhibaatooyin kala duwan oo soo wajahay nolosha dadka, maadaama ay wajahayaan cuno la’aan, biyo la’aan goobihii caafimaadka oo burburay iyo koronto la’aan oo ay dhamaantood ugu wacan yihiin malleeshiyada ay taageerto xukuumadda Imaaraadka Carabta ee go’doonka ku haysa.

Intaasi waxaa usii dheer afduubka, dilka joogtada ah, kufsiga dumarka iyo dhaca hantida dadweynaha oo ay kamid yihiin xoolaha.

Wararka qaar waxaay sheegayaan in tirade dhimashada ee dadka Somowga udhintay ay kor udhaafeyso 300 oo ruux.

Gobolka Al-Jaziira gaar ahaan magaalada Al-Hilaaliyah ayaa xilligan ku sugan xaalad aad udag, waxaan marba marka ka dambeysa sii kordhaya tirada dadka naftooda ku weynaya sababo la xiriira arrimaha aan soo sheegnay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments