Afhayeen u hadlay ciidanka Tashaad ayaa sheegay, in 15 askartooda kamid ah lagu dilay iska hor imaadiyo dhexmaray iyaga iyo koox ka dagaalanta dalka Neyjeeriya, halka 32 kalena ay dhaawacmeen.
Iska hor imaadkan ayaa dhacay Sabtigii lasoo dhaafay, xukuumadda wadankaasina wey qarisay halka rasmiga ah ee dagaalku dhacay islamarkaana ay ku dhinteen askarteeda, iyadoo sido kale aan wax tafaasiil ah ka bixin dhaawacyada askarta soo gaaray haddii ay yihiin kuwo fudud ama culus intaba.
Wadankan ayaa dhaca Bartamaha qaaradda Afrika dowaladda Chad ee maamusha wadankaasi ayaana xiriir dhow la leh Mareykanka iyo Faransiiska, oo ay iska diideen dowlado dhowr oo dhaca Afirka.
Dalkan waxaa haatan madaxweyne ku meel gaar ah ka ah wiil uu dhalay madaxweyihii hore ee wadankaasi Idriis Deybi, oo 2021 lagu dilay iska hor imaad kadhacay wadankaasi.