Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya, in ugu yaraan 100 ruux ay ku dhinteen goob macdanka laga qodo oo la duntay qolo macdan qodayaal ah oo ka howlgala gudaha dalkaas.
Dadkaan dhintay ayaa waxa ay muddo bil ah ku xayirnaayeen godka hoostiisa, iyadoona ay socdeen dadaallo lagu soo badbaadinayay, balse ugu dambeyn la xaqiijiyay geeridooda.
Waxaa suuragal ah in tirada dhimashada ay intaasi ka badato maadaama ay jiraan dad wali la’ayahay, halka kuwa kale oo yarna ay badbaadeen.